Home Sport La Liga LA YAAB!: Erayadii Aflagaadada Ahaa Ee Uu Diego Costa Kula Kacay Garsoorkii Kulankii Camp Nou Oo La Ogaaday Iyo Jawaabtii Uu Gerard Pique Ku Aamusiiyay Isaga Oo Aan Garoonka Ka Bixin.
April 7, 2019

LA YAAB!: Erayadii Aflagaadada Ahaa Ee Uu Diego Costa Kula Kacay Garsoorkii Kulankii Camp Nou Oo La Ogaaday Iyo Jawaabtii Uu Gerard Pique Ku Aamusiiyay Isaga Oo Aan Garoonka Ka Bixin.

Gool dhaliyaha kooxda Atletico Madrid ee Diego Costa ayaa xalay kaadhka cas loo taagay intii lagu jiray qaybtii hore ee kulankii Camp Nou ee ay Barcelona guusha ka gaadhay Atletico Madrid laakiin waxaa hadda la ogaaday erayadii aflagaadada ahaa ee uu Costa ku mutaystay in garsoore Jesus Gil Manzano uu kaadhka cas u taagay.

Garsoore Jesus Gil Manzano ayaa warbixintii uu ka diyaariyay kulankii Barcelona iyo Atletico Madrid waxa uu u gudbiyay maamulka garsoorka dalka Spain waxaana warbixintan lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Spain iyada oo la shaaciyay erayadii uu Costa ku aflagaadeeyay garsoore Jesus Gil Manzano.

Waxa kale oo la helay erayadii uu Gerard Pique ku dajiyay isla markaana uu kaga jawaab celiyay cadhadii uu Costa kula dhacay garsoore Jesus Gil Manzano wuxuuna Pique sabab u noqday in Costa uu rabashadii uu waday joojiiyay.

Diego Costa ayaa aflagaado xun u gaystay garsoore Jesus Gil Manzano hooyadii isaga oo waliba adeegsaday erayo ayna suurtogal ahayn in ciyaartoy rajo ka leh kulanka ay kooxdiisu ciyaaraysaa aanu ku odhan karin garsoore kaadhka cas jeebka ku haysta balse Costa ayaan taas waxba ka soo qaadin.

Diego Costa ayaa garsoore Jesus Gil Manzano ku aflagaadeeyay erayadan: “Waxaan afka kaga xaari hooyadaada dh****ah. Waxaan afka kaga xaari hooyadaada dh****ah!”. Kadib waxa uu Costa aflagaadadiisa aanu u meel dayin uu sii raaciyay: “Ajad ayaa ku dhashay”.

Intaas kadib garsoore Jesus Gil Manzano ayaa kaadhka cas oo toos ah u taagay Diego Costa daqiiqadii 28 aad ee kulankii Camp Nou laakiin waxa uu garoonka ka sii dhex waday rabshada isaga oo garsoore Jesus Gil Manzano u diiday inuu kaadhadh digniin ah siiyo laba xidig oo Atletico Madrid ah oo rabashada qayb ka ahaa.

Garsoore Jesus Gil Manzano oo warbixintii kulanka kadib ku sharaxaya wixii uu Costa sameeyay markii kaadhka cas la siiyay ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “Markii kaadhka cas la siiyay, waxa uu wali ku sii jiray garoonka ciyaarta, waxa uu aniga i soo qabtay gacanta si uu uga hor tago in aan kaadhka tuso ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin ee No.2 iyo No.24 sida ay u kala horeeyaan”.

Laakiin Gerard Pique ayaa soo afjaray rabshadii Diego Costa kadib markii uu dhawr erayo oo waano ah iyo digniin iskugu jiray u sheegay wuxuuna Pique awooday in Costa uu woxogaa isdajiyay.

Gerard Pique oo cidlo ula baxay Diego Costa ayaa u sheegay: “Hadda hadalka joojo, maxaad doonaysaa? Afar kulan oo ganaax ah miyaa?”. Kadib Costa oo gadoodsan ayaa garoonka cadho kala baxay taas oo sidoo kale cadho ku abuurtay Diego Simeone iyo jamaahiirta kooxdiisa Atletico Madrid maadaama oo uu sabab wayn u noqday in ay guuldaro soo gaadhay.

SOURCE GOOL24

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo warar dheeraada Kasoo saaray xaaladda Magaalada Baladweyne

Xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Dalka Xasan…