Home Sport La Liga Real Madrid Oo Warbixin Caafimaad Ka soo saartay Dhaawicii Karim Benzema Iyo Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaan Karo.
October 9, 2018

Real Madrid Oo Warbixin Caafimaad Ka soo saartay Dhaawicii Karim Benzema Iyo Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaan Karo.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay nooaca dhaawicii Karim Benzema ku soo gaadhay kulankii ay guuldarada kala soo laabtay ee Alaves waxayna xaalada dhaawaca Benzema sii xumaysay xaaladii qalalaasaha ahayd ee uu Julen Lopetegui kaga soo jiray Bernabeu.

Karim Benzema oo isaga laftiisu eedayn badan la kulmayay kadib bandhigii liitay ee kulamadii ugu danbeeyay ayuu dhaawac soo gaadhay intii lagu jiray kulankii Deportivo Alaves waxayna Los Blancos warbixin caafimaad oo ay ka soo saartay xaalada Benzema ay ku cadaysay in uu soo gaadhay dhaawac muruqa bowdada ahi.

Julen Lopetegui oo sidoo kale ka walwalsan xaalada Gareth Bale oo isna kulankii Alaves ay jug cusubi ka soo gaadhay ayaa ku dhex jira xaalad jaho wareer ah inkasta oo Bale uu ku biiray xulka qarankiisa Wales iyada oo loo balan qaaday in aan wax halis ah la galin doonin haddii uu dhaawac qabo.

Warbixinta caafimaad ee Real Madrid ayaan lagu sheegin muddada uu Karim Benzema garoomada ka maqnaan doono laakiin caadiya nooca dhaawac la cadeeyay in uu Benzema uga baxay kulankii Alaves ayaa cadaynaya in uu laba usbuuc ka maqnaan doono garoomada.

Warka ugu fiican ayaa ah in waqti xaadirkan ayna Real Madrid kulamo ciyaari doonin maadaama oo loo baxay fasaxa kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada aduunka balse waxaa la filayaa in Benzema aanu taam u noqon doonin kulanka ugu soo horeeya ee Levante.

Julen Lopetegui ayaa haddaba wajahaya xaalad aad u adag iyada oo maamulka Madrid ay sii eeganayaan badalkiisa kadib markii ay Real Madrid afartii kulan ee ugu danbeeyay ay isku darsatay guul la’aan iyo gool la’aan balse dhaawaca Benzema oo ku biiray Marcelo iyo Isco ayaa xaalada sii xumeeyay.

Julen Lopetegui ayaa sidoo kale ka war sugaya Dani Carvajal oo isna dhaawac la maqan halka uu isha ku hayo in Gareth Bale uu ka soo kabsan doono xalaaladii uu kaga baxay kulankii Alaves iyada oo Madrid ku jirta waqti adag oo ay u baahan tahay dhamaan ciyaartoyda kooxdeeda.

GOOL24

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo warar dheeraada Kasoo saaray xaaladda Magaalada Baladweyne

Xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Dalka Xasan…