Home Uncategorized Wax ka ogow Director Imtiaz Ali Iyo Kartik Aryan Film-ka xiga ee ay ka wada shaqeen doonaan.
October 8, 2018

Wax ka ogow Director Imtiaz Ali Iyo Kartik Aryan Film-ka xiga ee ay ka wada shaqeen doonaan.

Kartik Aryan waxaa Mudooyinkii u danbeeyay aad u raadinayay Film soo saarayaasha bollywood ee ugu caansan kadib Markii Filimkiisii u danbeeyay ee Sonu ke Titu Ki Sweety u soo xareeyay lacago kor u dhaafaya Rs. 100 crore. Haddaba guushaas kadib waxaa usoo xigtay in ay doorkaan isla shaqeyn doonaan filim sameeye Imtiaz Ali. Filim-kaan aan weli la magac dhebin ayaa lagu sheegayaa inuu noqon doono Romantic waxaan producer ka noqon doona film sameeyaha qudhiisa asagoo wata shirkadda Window seats Films LLP. Kol aan aad u fogeyn director-ku waxuu shaaciyay inuu ku guda jiro Diyaarinta sheekooyin dhowra iyo Film uu kula shaqeyn doono Kartik Aryan uu noqon doono Talaabadda ugu horeysa Ee sheekooyinkaas Loo adeegsan karo. Dhanka kale Jilaagaan Aryan isaguba dhowr Mashruuc buu ku guda jiraa Oo waa actor aad loo doon doonayo inkastoo hadda uu ku guda jiro duubista film-ka Kirrik party.

Kartik wuxuu soo gaba-gabeeyey Luka Chhupi kolkaas kadib waxaa la filayaa goordhow inuu soo gaba-gabeeyo Kirrik Party.

Qeybaha u danbeeyay ee sheekadda ayaa daahdey muddo yar balse hadda film soo saareyaasha Dheeraj Wadhavan iyo Ajay Kapoor waxay rabaan in sheekada Director Filimkaas ( Kirrik Party ) ay tahay mid isku toosan intaysan Astayn Wakhtiga la duubi doono. Marka waa dib baa loo dhigay Dhowr bilood

Waxaa sidaas sheegay qofka arimahaan aad ula socday.

Jilaagaan waxaa la filayaa inuu filimaan la soo saaro film soo saareyaal caan ah oo ugu soo horreeyo Karan Johar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Tanushree Dutta Uguma Horeeyso Dadka uu Sida Xun Ula Dhaqmay Nana Patekar

Nana Patekar waa jilaa aad caan uga ah Bollywood-ka, laguna yaqaan Hab Jilinkiisa Aan Caad…