Home WARARKA Somali News Faahfaahin Dawlado Federalka oo ciidamo Military ah u daaguraysay Dhuusamareeh
August 25, 2019

Faahfaahin Dawlado Federalka oo ciidamo Military ah u daaguraysay Dhuusamareeh

Ciidamo ka tirsan booliska dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.,si ay uga qeybgalaan  adkeynta ammaanka magaaladaasi  oo martigelinaysa shirka dib uheshiisiinta Galmudug.

Ciidamadan ayaa ka howlgalaya xarunta lagu qabanayo shirka iyo garoonka diyaaradaha,si ay u xoojiyaan ciidamada ammaanka magaaladaasi.

Ammaanka magaaladaasi Dhuusa-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyay sugidda nabad geliyada magaaladaasi,sida uu ku soo waramayo wariyaha Warbaahinta Qaranka  Maxamed Deer Cabdi Maxamed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukkuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta dhismaha Galmudug loo dhanyahay,iyadoo gudigii dib uheshiisiinta uu shirar kala duwan uu la qaadanayo dhinacyada ay quseyso Arrinta Galmudug

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Madaxweyne Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xa…