Home WARARKA Somali News Faahfaahin Kornayl Caare oo isku Soo dhiibay Somaliland
3 weeks ago

Faahfaahin Kornayl Caare oo isku Soo dhiibay Somaliland

Kornayl Siciid Cawil Caare oo hoggaamin jiray jabhad hubaysan ayaa heshiis la gaaray xukuumadda Somaliland.

Kornayl Caare ayaa maanta oo Khamiis ah duleedka magaalada Ceerigaabo ciidankiisii iyo hubkoodii ku wareejiyey guddigii dhexdhexaadinta jabhaddiisa iyo xukuumadda Somaliland.

Caare oo ka hadlay halkii uu ku wareejinayey jabhadiisa ayaa sheegay in uu wareejinayo 900 oo ciidan ah iyo hubkooda, sidoo kale waxa uu madaxweynaha iyo Taliyaha ciidamada Somaliland ugu baaqay in ay sameeyaan Caddaalad.

Korneyl Caarre ayaa wararku sheegayaan in uu aadi doono dalka Ingiriisa, si uu cafis uga soo dalbado Somaliland, taas oo horey shuruud uga dhigay Muuse Biixi.

Ergo ka kala socotay Beesha Caare iyo Xukuumadda Somaliland ayaa in dhawaale wadey wada-hadallo lagu xalinayo tabashada Caare, iyagoo ku guuleystay inay ciidamada Caare kasoo saaraan buurihii ay ku jireen ee duleedka magaalada Ceerigaabo.

Kornayl Caarre ayaa bishii May sanadkii 2018-kii ka goostay ciidamada Somaliland, isagoo ku dhawaaqay jabhad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi, waxaana xiligaas fariisin ciidan laga siiyey meel u dhow degmada Qardho Puntland, balse markii dambe wuxuu u wareegay buuraleyda Waqooyiga gobolka Sanaag.

Caare ayaa markii hore ka carooday dagaal Beeleed ka socday Ceel-Afweyn, balse markii dambe ku dooday in uu u halgamayo sidii uu meesha uga saari lahaa Caddaalad darro uu sheegay in ay ka jirto qaab dhismeedka xukuumadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

War-Saxaafadeed Madaxwayne Trump oo ka hadlay dilki sargaalki Iran sulaymani

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu u dilay hogaamiyihii sare ee milater…