Home WARARKA Somali News Guddiga gurmadka fatahaadaha oo warar dheeraada Kasoo saaray xaaladda Magaalada Baladweyne
October 28, 2019

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo warar dheeraada Kasoo saaray xaaladda Magaalada Baladweyne

Xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Baladweyne ay tahay mid halis ah.
Guddoomiyaha guddiga oo ah Wasiirka gargaarka XFS, Xamsa Saciid Xamsa, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Roobabkii da’ay ay xaaladdu ugu sii dareen, kuwaas oo sababay in uu xirmo garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

Guddiga waxa ay ku booriyeen Shacabka Soomaaliyeed in ay ka wada qeybqaataan sidii loo caawin lahaa Dadka walaalahooda ah ee halkaa ku dhibaataysan, iyagoo si gaar ah baaq ugu diray sganacsatada ku nool Galmudug, Puntland iyo Gobollada ku dhow-dhow in ay gurmad uu raashiin ugu horreeyo la gaaraan.

Guddiga waxa uu sheegay in Gurmadka uu ku billowday dar-dar xooggan islamarkaana ay Dowladdu Gurmadkii ugu horreysay gaarsiiyeen Shalay Beledweyn, Maantana ay guddiga la kulmeen hay’adaha gargaarka oo ay ugu horeeyaan kuwa QM.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in haatan uu gargaar Raashiin ah ka imaanaya Gaalkacyo kuna soo wajahan yahay Magaalada Beledweyn, Maantana ay billowdeen gurmad Diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

Guddiga ayaa faray in cidkasta oo dhibaatooyinka ka dhacay gargaar ku Uruurinaysa ay iyaga la wadaagaan, ciddii aan soo marinna ay la xisaabtami doonaan, iaygoo sheegay in ay samayn doonaan Maxkamad guur-guurta oo ay ugu tala galeen Dadka musuq ku samaysa deeqaha loogu tala galay Qoysaska ay fatahaaddu saamaysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Madaxwayne Axmed Madoobe oo Mar kale loo doortay Xilka Madaxweynanimo ee Jubbaland

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa u doortay Axmed Mado…