Home WARARKA Somali News Madaxweyne Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda
August 25, 2019

Madaxweyne Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaagta ee Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta ay ka geysanayaan ilaalinta afka, dhaqanka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa qabanqaabiyeyaasha carwadan sannadlaha ah iyo ka qayb galayaashaba ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay wadaan, ayna si qoto dheer baaritaan ugu sameeyaan dhacdooyinka dalka si ay taariikh kaydsan ugu noqoto jiilalka dambe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qalinleyda Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qayb qaataan sare u qaadidda wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo doorkooda dib u dhiska dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Faahfaahin Dawlado Federalka oo ciidamo Military ah u daaguraysay Dhuusamareeh

Ciidamo ka tirsan booliska dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa saaka ka degay garoon…