Home WARARKA Somali News Turkiga oo ansixiyey in ciidamo la geeyo Libya
3 weeks ago

Turkiga oo ansixiyey in ciidamo la geeyo Libya

Baarlamanka Turkiga ayaa maanta ansixiyey sharci ogolaanaya in xukuumadda ay ciidamo gayso dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda QM ay taageerto ee Tripoli.

Dowladda Tripoli ayaa tan iyo bishii April wajahaysay weeraro joogto ah oo kaga imanayey Jeneral Khalifa Haftar, oo ay taageeraan dalalka Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Xafiiska madaxweyne Erdogan ayaa jimcihii tagay xaqiijiyey in dowladda Libya ay ka codsatay taageero militari.

Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama bixin inta ay la ekaan doonaan ciidamada Turkiga uu gaynayo Libya, islamarkaana madaxweyne ku-xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu u sheegay inaan waqti loo goyn xilliga ciidamada la gaynayo halkaas.

“Diyaar ayaan nahay. Ciidamadeena hubaysan iyo wasaaradda difaaca waa diyaar,” ayuu yiri Fuat, isaga oo intaas ku daray in ansixinta baarlamanaka ay sharci ahaan doonto muddo sanad ah.

Sharciga baarlamanka ayaa waxaa codka siiyey 325 xildhibaan, waxaana didiay 184.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

War-Saxaafadeed Madaxwayne Trump oo ka hadlay dilki sargaalki Iran sulaymani

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu u dilay hogaamiyihii sare ee milater…